Al-Sisi oo digniintii ugu dambeysay siiyey Itoobiya iyo dagaal laga cabsi qabo

Madaxweynaha Masar Cabdel-Fataax Al-Sisi ayaa ka digay cawaaqib xumo daran oo ka dhalan karta waa haddii biyo xireenka ay Itoobiya ka dhiseyso webiga Nile uu saameyn ku yeesho biyaha dalkiisa gaara.

Itoobiya waxay sheegtay inay sii wadeyso buuxinta biyo xireenka marka ay roobabka bilowdaan, waxaana laga cabsi qabaa in xiisada labada dhinac ay gaarto gacan ka hadal.

“Waxaan mar kale ku celinayaa in uusan jirin qof qaadan kara dhibic ka mid ah biyaha Masar, haddii ay dhacdana waxaa gobolka ka dhici doonaa xasilooni darro aanan la maleysan karin” ayuu yiri madaxweyne Sisi.

Madaxweyne Masar oo maanta ka hadlayay marinka Suez wuxuu carabka ku adkeeyay in la sii wadi doono wadahadallada kala dhexeeya Itoobiya iyo Suudaan ee ku saabsan muranka ka dhashay biyo xireenka Itoobiya.

“Ma jirto cid aan u goodinayo, wadahadalladeena waa kuwo mar kasta macquul ah” ayuu yiri Al-Sisi

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -