Musharax Saciid Ciise: “NISA waxay ka digtey waa Fahad Yaasiin oo magacyo badan leh”

NISA waxey ka digtey waa Fahad oo magacyo badan iska leh. Xildhibaanada qaar waxey ka digeen afgembi 12ka April oo uu sameynayo Farmaajo. Qatar waxey sheegtay iney Al Shabaab wadahadal kula jirto. Laftagareen wuxuu ku dhowaaqay gooni isku taag. Qoor Qoor wuxuu dhowrayaa inta dhexdhexaadintiisa dalaalnimo ay sii xoogeysaneyso.

Intaas oo dhan waxay muujinayaan dagaal lagu kala adkaadey natiijadiisa iyo fariimo baqasho dirira oo hanjabaadyo xambaarsan, ujeedaduna tahay marin habaabin boorka loogu qarinayo cabsida xoogan oo la soo deristey Farmaajo iyo Fahad iyo qowsaarada uu khaatumada seejiyey. Waxey qowleystadaas jabtay rabtaa in cabsida waalida ah oo ay qabaan iyo ciirsi la’aanta haysata ay u helaan cid dareenkaas la qeybsata oo ay isla jabaan.

Sidaas daradeed ayaa loo baahan yahay in la isdejiyo oo dareen kalsooni leh lagu joogo. Ayax baxaya eelka uu reebayo waa inaan loo dhego nuglaan oo dhibka ay iyagu gacmahooda ku keensadeen aan lala wadaagin. Ha laga fekero macno darrada ay leedahay Xamar keliya afgembinteeda iyo Al Shabaab ayaa loo fududeynayaa afgembi ay xukunka ugala wareegto Farmaajo oo aan hayn wax xil ah.

Farmaajo hadiiba laga yeelayo qasadkiisu waa doorashada oo dib loo dhigo oo uu Villada ku sii joogo, taasna waa uu ka quustay. Fahad ujeedadiisu waa siduu uga badbaadi lahaa geeri looga aarsanayo dadkii uu sida bahalnimada leh u laayey, waana u rumeysan yahay inuusan sina uga badbaadeyn. Qowsaaradda taladoodu waa dagaal dhamaaday ayaan gadaal gurmad gorgortan wata uga soo geleynaa oo waxey sugayaan barardhac in wax loogu ogolaado.

Marka ay doorashadu si qasab ay nabada ugu soo dhamaato, ayaa la gaari doona in hadal ku haboon ay jawaabtooda helaan qowleysatadu, inta ka horeysa iyagoon dagaal gelin ama afgembi aysan cidna ugu cagajugleyn, bal ha isku dayaan si cad oo awood leh iney u horjoogsadaan doorashada ama ay ka horyimaadaan natiijadeeda, taas ayaa u baahan iney ku muujiyaan awoodooda iyagoon waxba dilin. Sidaas iney dhacdana waa habeenkii xalay ahaay oo tegey iyo calaacasha oo ay timo ka soo baxaan.

Prof. Saciid Ciise Maxamuud 
Guddoomiyaha xisbiga Dadka ahna 
Musharax Madaxweynaha Somalia

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -