Feysal Cali Waraabe oo si kulul uga Jawaabay Xildhibaan dil ugu hanjabay

Hogaamiyaha Xisbiga Mucaaradka Somaliland ee UCID Feysal Cali Waraabe ayaa ka jawaabay hanjabaad la sheegay in ay uga timid Xildhibaan katirsan Baarlamaanka Maamul goboleedka Puntland.

Sida ay qorayaan Warbaahinta Somaliland laga leeyahay Xildhibaan katirsan Baarlamaanka maamulka  Puntland ayaa ku baaqay in goob kasta oo lagu arko Siyaasiga Feysal Cali Waraabo lagu dilo.

Feysal Cali Waraabe ayaa sheegay in aysan waxba u dhimeyn hanjabaada uga timid Xildhibaanka Puntland, waxa uuna sheegay in aysan jirin wax uu ka qaadi karo Xildhibaankaasi isagoona ku tilmaamay inan iska hadlay.

”Inankaasi iska hadlay maxuu i yeeli karaa, waxba igama qaado karo kaliya wuu iska hadlay, aniga alle ayaa ii qoray waqtiga aan dhimanayo, ninkaas hadlayna garaadkiisa un buu ka hadlay, waxaana leeyahay adeer waxbo ima yeeli kartid ee Naxliga iyo xumaanta iska daa” Ayuu yiri Feysal Waraabe.

Maamulada Puntland iyo Somaliland ayaa maalmihii lasoo dhaafay ku dagaalamayay deegaanka Tukaraq ee gobolka Sool, waxaa sidoo kale siyaasiyiinta labada maamul kasoo jeeda iyana  u dhaxeeya dagaal dhinaca afka ah.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

 

- Advertisement -