Faah faahino kasoo baxaya Dil goordhaw ka dhacay afaafka hore ee xarunta Degmada Waabari 

Askari katirsan ciidamada Minishiibiyada gobolka Banaadir ayaa goordhaw afaafka hore ee xarunta degmada Waabari waxa uu ku dilay wiil dhalinyaro ah oo watay Mootada loo yaqaan Bajaajta.

Goob joogayaal ayaa ku waramay askari katirsan ciidanka Minishiibiyada ee canshuuraha ka qaada Bajaajta uu toogtay wiil dhalinyaro ah oo watay Mooto bajaaj, waxaana askariga wiilkaasi madaxa kaga dhuftay xabad uu ku riday.

Askariga dilka geestay ayaa la sheegay in goobta si deg deg ah uga baxsaday, meydka wiilka la dilay ayaa daqiiqado kadib laga qaaday goobta lagu dilay, waxaana meydka la geeyay xarunta Dambi baarista CID-da si baaritaano loogu sameeyo.

Wali lama oga sababta uu askarigan katirsan Ciidanka dowlada u dilay wiilkan shacabka ah, waxa uuna dilkan imaanaya xili askari katirsan Ciidanka Milatariga xalay afaafka hore ee Wasaarada Gaashaandhiga isna ku dilay nin darawal ka ahaa gaari BL ah.

Isbuucan kaliya magaalada Muqdisho ciidanmo katirsan dowlada Soomaaliya waxa ay siyaabo kala duwan ugu dileen dad shacab ah oo ku dhaw shan qof, waxaana dadkaasi la dilay labo kamid ah ahaayeen dhalinyarada ku shaqeysata Mooto bajaajta.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -