Hogaamiye Kooxeedyo Casri ah oo lagu tilmaamay Madaxda maamul goboleedyada

Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow oo kamid ah Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa ku tilmaamay Madaxda maamul goboleedyada dalka Hogaamiyo kooxeedyo Casri ah oon ka amar qaadan Dowlada Dhaxe ee dalka.

Waxa uu sheegay Xildhibaanka in Madaxda maamul goboleedyada u dhaqmayaan sida Hogaamiyo kooxeedyada, waxa uuna tilmaamay in uusan jirin xiriir toos ah oo u dhaxeeya dowlada Dhaxe iyo Madaxda maamul goboleedyada.

Xildhibaan Jeesow ayaa sheegay in wax laga xumaado ay tahay in Madaxda maamul goboleedyada in ay u dhaqmaan sida dal ka madax banaan Soomaaliya sida ay doonaana sameeyaan.

Jeesow ayaa sidoo kale sheegay in maamulka dowlada Dhaxe uu ku egyahay magaalada Muqdisho, waxa uuna intaa ku daray in Taliyaasha ciidamada ee ku sugan gobolada dalka in aysan xiriir la laheyn  Taliyaasha sare ee ciidanka dowlada .

Hadalka Xildhibaanka ayaa kusoo baadaya xili maanta lagu wado in magaalada Baydhabo ka furmo shirka Amniga Qaranka ee yeelanayaan Madaxda sare ee dowlada Federaalka Soomaaliya iyo kuwa maamul goboleedyada.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -