Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Xaaska Madaxweynihii hore ee Soomaaliya oo ku geeriyootay Magaalada Nairobi

Waxaa goor dhow ku geeriyootay magaalada Nairobi ee dalka Kenya Marwo Raxmo Maxamuud Gacal oo aheyd xaaska Madaxweynihii hore ee Somalia Cali Mahdi Maxamed oo isna dhowaan xijaabtay.

Geerida Marxuumada ayaa waxaa warbaahinta u xaqiijiyey xubno ka tirsan qoyskeeda oo sheegay iney xanuunka COVID-19 ugu geeriyootay Isbitaal ku yaalla Nairobi.

Marxuum Cali Mahdi iyo xaaskiisa ayaa dhowaan arrimo caafimaad u aaday magaalada Nairobi, waxaana markii ay halkaas tageen laga helay cudurka COVID-19 sida uu sheegay Liibaan Cali Mahdi oo ah Wiilka uu dhalay Madaweynihii hore.

Marxuum Cali Mahdi ayaa 10-kii bishan Maarso ku geeriyooday Isbitaalka Nairobi oo xaaskiisa ay kula jirtay, waxaana 12-kii bishan meydkiisa aas qaran loogu sameeyey Magaalada Muqdisho.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Madaxweyne Guudlaawe oo xilka ka qaaday Xaliimo Cabdullaahi Fiidow booskeedana nin u magacaabay

Cabdi Cade

Dowlada Soomaaliya oo soo dhaweysay Kacdoonka ay bilaabeen Kooxda Cali Qaran

Cabdi Cade

Wareerka haysta dalka kaliya ee Carbeed ee Israa’iil ka difaacay weerarii Iran ku qaaday

Cabdi Cade
Taboola Ads ---