Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Kenya oo qorsheyneysa inay Tarxiil ku bilowdo Soomaalida ku nool dalkaas

Dowlada Kenya ayaa ku dhawaaqday inay Tarxiil ku billaabi dooonto Soomaalida ku nool dalkeeda, gaar ahaan kuwa ku nool Nairobi iyo kuwa looga shakiyo inay maal geliyaan argagixisada

Sida uu qoray wargeyska Daily Naiton ee ka soo baxa dalka Kenya oo soo xiganaya masuuliyiin Kenyan ah dadka lagu helo iney taageeraan argagxisada ayaa hantidooda lala wareegi doonaa.

Tallaabadan ayaa u muuqata in Kenya ay kaga aarsanayso Soomaaliya, kaddib markii ay fashil kala kulantay kiiska dacwadda Badda ee ka socda maxkamadda Cadaaladda Adduunka ee Hague.

Maalmo ka hor ayey aheyd markii Kenya ay ku dhawaaqday inay xiri doonto Xeryaha qaxootiga Soomaalida oo ay u qabatay laba todobaad, iyadoo ay xeryahaas ku jiraan kumanaan Soomaali ah.

Soomaalida ku nool dalka Kenya ayaa waxaa iminka soo food saartay xaalad adag, iyagoo ka cabsi qaba in Booliska dalkaas ay dhibaato u geystaan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Mareykanka oo ka horyimid muddo kororsiga DF Hanjabaadna u diray madaxda Soomaalida

Cabdi Cade

Khayre Oo caawa Guddoomiyay Shir Muhiim ah oo ka dhacay Dhuusameeb (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade

Hogaamiye dalkiisa xukumayey muddo 29 sano ah oo si lama filaan ah isku casilay

Caydiid Ali
Taboola Ads ---