Shirkii beesha caalamka iyo shanta dowlad goboleed oo baaqday (Sababta)

Ilo wareedyo ku dhow dhow Xerada Xalane ayaa sheegaya inuu baaqday shirkii dhex mari lahaa galabta Shanta Madaxweyne Dowlad Goboleed iyo Wakiilada Beesha Caalamka u jooga Somalia

Shirkan oo ay qaban-qaabisay beesha caalamka ayaa lagu waday in looga hadlo sidii loogu heshiin lahaa ajende mideysan oo looga hadlo shirka Wadatashiga DF iyo dowlad goboleedyada.

Inkastoo aan la ogeyn sababta rasmiga ah ee shirkan baajisay haddana wararka qaar ayaa sheegaya in Madaxweyne Farmaajo uu cadaadis ku saaray Saddexda Madaxweyne Goboleed oo uu saaka kula shiray Afisyooni ineysan ka qeyb gelin shirkaas.

Farmaajo oo saaka madaxda Galmudug, Hirshabeelle iyo Koonfur Galbeed kula shiray Afisyoone ayaa kula taliyey inay ka qeyb galaan shirkaas oo kaliya hadii ay kulmayaan shanta Madaxweyne goboleed.

Wasiirka Arrimaha Gudaha Puntland ayaa sheegay in dowladda Federaalka ay is hortaagtay qaar ka mid ah dowlad goboleedyada inay ka soo qeyb galaan shirkii loo balansanaa ee Beesha caalamka iyo Dowlad Goboleedyada.

Lama oga sababta Madaxweyne Farmaajo u diidan yahay beesha caalamka oo mudooyinkan waday dedaal iyo cadaadis ba’an ku heysay madaxda dowlad goboleedyada qaar ee diidan siyaasada Farmaajo.

Saddexdii maalmood ee ugu danbeeyey waxa xanniban marin biyoodka Suez Canal oo muhiim u ah nolosha dunida, gaar ahaan maraakiibta sida badeecadaha u kala goosha qaaradaha adduunka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -