Rooble oo kormeeray furista jidadkii ku xirmay qalaalisihii ka dhacay Muqdisho (Sawirro)

Ra’isiul Wasaaraha Xukumadda federaalka Soomaaliya mudane Maxamed  Xuseen Rooble ayaa   kormeeray furista qaar ka mid ah jidadkii ku xirmay xasaradihii Muqdisho ka dib ciidamadii ku sugnaa ay dib ugu laabteen xeryahoodii.

Talaabadan ayaa qeyb ka ah hirgelinta heshiiskii xalka looga gaaray qalalaasihii ka dhacay caasimadda ee ka dhashay muddo kororsigii uu sameeyey baarlamanka Somalia.

Goobaha uu kormeeray raisul wasaaraha ayaa waxaa ka mid ah degmooyinka Hodan iyo H/wadaag oo ay difaacyo kaga jireen ciidamadii diidanaa muddo kororsiga.

Waxaa Goobahaas ka socotay howlo nadiifin ah oo lagu furayey caro tuurkii ay difaacyada ka sameysteen ciidamada la baxay badbaado qaran.

Waxaa RW ku wehliyey kormeerkan taliyaha Booliska, Wasiiro, xildhibaano iyo xubno kale, waxaana la qaaday ciidamadii ku sugnaa xaafadahaas oo weli ay ka maqan yihiin dadka intiisa badan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -