Siyaasi Caan ah oo Madaxda dowlada ugu baaqay in xilka ka qaadaan Taliye Saadaq Joon

Ciidamada booliiska ee ka howlgala magaalada Muqdisho ayaa kordhiyay dilalka ay u geesanayaan dadka shacabka gaar ahaan dhalinyarada ku shaqeesata mootooyinka loo yaqaan Bajaajta.

Askari katirsan ciidanka booliiska gobolka Banaadir ayaa saakay Isgooska Howlwadaag waxa uu ku dilay wiil dhalinyaro ah oo wade ka ahaa mooto bajaaj iyo sidoo kale abtigiis oo mootada la saarnaa.

Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo ka hadlay dhacdadan ayaa sheegay in habdhaqankan lagu dilayo dadka shacabka ah ay lasoo baxeen ciidanka booliiska uu yahay mid cusub oo la socda taliska cusub ee booliiska gobolka Banaadir.

Waxa uu sheegay Cabdiraxmaan Cabdishakuur in Madaxda dowlada ku abaalmariyeen taliyaha booliiska gobolka Banadair nin uu sheegay in uu qaabilsanaa dowlada Shirqoolka iyo dilalka siyaasiyiinta.

Siyaasiga ayaa ugu baaqay Madaxda dowlada in xilka ka qaadaan Taliyaha booliiska gobolka Banadair Saadaq Joon sidoo kale awoodiisa loo soo celiyo taliyaha booliiska Federaalka.

Halkan ka Akhriso Qoraal uu soo saaray Cabdiraxmana Cabdishakuur.

Marxuumkani Allaha u naxariistee waa wiil Bajaajle ah oo ay ciidanka Booliska toogteen isaga iyo ruux kale oo rakaabkiisa ahaa. Habdhaqankan waa mid ku cusub Booliska Gobolka Banaadir wuxuuna la socdaa taliska cusub.

Madaxda dalka iyaga ayaa si buuxda u qaadaya masuuliyada, maadaama ay xilka taliska Booliska Gobolka Banaadir ku abaal mariyeen ninkii u qaabilsanaa shirqoolada dilalka qorshayn ee siyaasiyiinta, awoodna u siiyeen in uusan hoos tegin, amarna ka qaadan Taliska Guud ee Booliska Federaalka. Si dhibka xal loogu helo, madaxda dawlada waxaan kula taliyanaa

1- In Gacanta lagu soo dhigo ragii wiilasha dilay, lana maxkamadeeyo.
2- In xilka laga qaado Taliyaha Booliska Gobolka.
3- In Taliyaha Booliska Federaalka awoodiisa loo soo celiyo.
4- In maleeshiyaadkii Xasilinta loo bixiyey ee Nabadsugida laga soo ganay, Booliskana lagu soo dhextuuray, dhaqan celin iyo tababar Boolis loo furo.
5- Si sharaf leh loo aaso ehelkoodana Magdhow la siiyo wiilasha la dilay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -