Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

(Akhriso) Taliska Booliska Somalia oo ka jawaabay hadal ka soo yeeray Deni

Warqad kasoo baxday Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliya ayaa lagu sheegay ineysan jirin ciidan dheeri ah oo lagu daabulay garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.

Waxaa sidoo kale warqada lagu sheegay in ciidanka Booliska Soomaaliyeed iyo kuwa AMISOM ee ku sugan garoonka dayuuradaha ay si caadi ah u wataan howl maalmeedkooda.

Hadalkan ayaa u muuqda mid loogu jawaabayo Madaxweynaha Puntand Saciid Deni oo  sheegay in ciidamo ka tirsan DF ay xalay ku soo weerareen xeyndaabka garoonka dayuuradaha oo ay degan yihiin isaga iyo Madaxweyne Madoobe, isagoo intaas ku daray in ciidamo badan hareeraha laga dhigay.

Hoos ka akhriso qoraalka Booliska

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

(Sawirro) Saraakiil British ah oo tababar u soo xiray ciidamo ka tirsan Xoogga dalka

Caydiid Ali

Ra’isul Wasaare Xamse Barre oo arrimo muhiim ah kala hadlay Abdullahi Al Nuaimi (Sawirro)

Cabdi Cade

Nin Ajnabi ah oo xaaskiisa ku dilay magaalada Hargeysa oo gacanta lagu dhigay

Cabdi Cade
Taboola Ads ---