Allbanaadir.com
NEWS

Nin Ajnabi ah oo xaaskiisa ku dilay magaalada Hargeysa oo gacanta lagu dhigay

Ciidamada booliiska magaalada Hargeysa ayaa gacanta kusoo dhigay nin ku eedeysan in xalay dil araggax leh u geestay xaaskiisa, ninkan ayaana booliiska qabteen xilli uu isku dayayay in uu baxsado.

War kasoo baxay taliska ciidamada booliiska Somaliland ayaa lagu sheegay in ay soo qabteen eedeysane Jamaal Daaha Cabdiraxmaan oo 54-sanno jir ahaa, ninkan ayaana booliiska sheegeen in uu dilay xaaskiisa oo lagu magacaabayay Sumaya Siciid Naasir.

Ninkan ayaa la sheegay in dilka uu u geestay xaaskiisa u adeegsaday mindo af leh kaddib muran soo kala dhax gelay, waxaana booliiska sheegeen ninka dilka geestay iyo xaaskiisaba ay kasoo jeedaan dalka Yemen .

Booliiska magaalada Hargeysa ayaa sheegay in gacanta ku hayaan ninka dilaaga ah iyo meydka marxuumada, waxa ayna sheegeen in baaritaano ku wadaan kiiskan waxa sababay ayna caddaalad horgeyn doonaan gacankudhiiglaha.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Midowga Musharaxiinta oo helay Jaanis cusub iyo Golle Qaran oo dalka Maamula oo la sameenayo !

Cabdi Cade

Madaxweyne Xasan Sheekh oo u duulay magaalada Qaahira kaddib casuumadii Al Siisi

Cabdi Cade

DEG DEG: Dowlada Somalia oo ku gacan seyrtay warbixintii guddiga xaqiiqo raadinta IGAD

Caydiid Ali
Taboola Ads ---