Allbanaadir.com
NEWS

Shir aan loo dhameyn oo maanta ka furmay Hotelka Decale ee Muqdisho

Waxaa maanta Hotelka Decale ee magaalada Muqdisho ka furmay wajiga labaad ee shirka Guddiga farsamada ee Wadatashiga Doorashooyinka ee heer Wasiir ay leeyihiin Dowlada federaalka iyo maamul goboleedyada qaar.

Shirkan looga sii arinsanayo shir weynaha ay isugu imaanayaan Madaxda dowlada federaalka iyo maamul goboleedyada qaar ayaa waxaa ka maqan maamulada Galmudug, Puntland iyo Jubbaland.

Wasiirka Arrimaha Gudaha Maamulka Puntland Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad, ayaa beeniyay war ay baahisay warbaahinta dowlada oo sheegayay in shir Muqdisho uga furmay DF iyo kuwa dowlad goboleedyada.

Waxa uu sheegay Wasiirka in uusan jirin shir ka furmay magaalada Muqdisho ay ka qeyb galeen, waxa uuna waxbo kama jiraan ku tilmaamay shirkan la sheegay in Hotelka Decale ka socdo.

Shirkan  la sheegay in uu ka furmay Hotelka Decale ayaa daba socda shir dhawaan lagu soo gabo gabeeyay Baydhabo, waxa uuna shirkan imaanayaa xili Muqdisho joogaan Madaxda dowlad goboleedyada kuwaa oo u yimid ka qeyb galka shir la filayo in uu ka dhaco Muqdisho.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Xog ku aadan Guddoomiyaha Cusub ee loo soo magacaabayo Gobolka Banaadir

Cabdi Cade

DF oo dib u dhigtay Imtixaanka shahaadiga ee ardada Magalada Baladweyne (Sababta)

Caydiid Ali

Al-Shabaab oo 20 dagaalyahan looga dilay meel ku dhow Beled-weyne

Caydiid Ali
Taboola Ads ---