Allbanaadir.com
NEWSPUNTLAND

Madaxweyne Deni oo kulan Xasaasi ah la yeeshay Donald Yamamoto (Daawo Sawirro)

Madaxweynaha Dowlad goboleedka Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta hoyga uu ka deganyahay Muqdisho ku qaabilay Safiirka Dowladda Maraykanka u jooga Soomaaliya Ambassador Donald Yamamoto.

Siciid Deni iyo safiirka Mareykanka ayaa kawada hadlay xaalada siyaasadeed ee dalka gaar ahaan khilaafka ka taagan doorashada waqtigeeda dhaaftay iyo shirka la filayo in ay isugu yimaadaan Madaxda DF iyo kuwa dowlad goboleedyada.

Kulanka ayaa intii uu socday labada dhinac is dhaafsadeen aragtidooda ku aadan sidii xal looga gaari lahaa khilaafka ka taagan dooarshada Soomaaliya iyo sida laga maarmaanka u tahay in tanaasul yimaado.

Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland oo ku sugan magaalada Muqdisho ayaa siyaabo kala duwan ula kulmay qaar kamid ah Wakiilada beesha Caalamka ee gacanta ka geesanaya shirka la filayo in dhawaan ka dhaco xeendaabka Xalane.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab oo xalay weeraray degaanka Ceeldheere

Caydiid Ali

Madaxweyne Biixi oo Xadhiga ka jaray Shan Mashruuc oo waa weyn (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade

Faahfaahin: Hoobiyeyaal xalay saqdii dhex ku dhacay qeybo ka mid ah Muqdisho

Caydiid Ali
Taboola Ads ---