Ciidamada Danab oo gubay gaari waxyaabaha Qarxa laga soo buuxiyay xili uu…

Ciidamada Kumaandooska Soomaaliya ee Danab ayaa lagu soo waramayaa in ay qarxiyeen gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay oo la doonayay in lagu fuliyo weerar ismiidaamin ah .

Sargaal katirsan ciidamada Danab ayaa Warbaahinta u sheegay in gaari nuuciisu yahay Surf oo waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay ciidamada ku qarxiyeen deegaanka Tooratoorow ee gobolka Shabeelaha Hoose kadib markii xogta gaarigaasi heleen.

Waxa uu sheegay sargaalka in gaariga ay ciidamada qarxiyeen uu ku dhintay hal nin uu sheegay in uu ahaa shaqsigii gaariga waday, mana sheegin wax khasaaro ah oo ciidamada kasoo gaaray qaraxan.

Ciidamada dowlada gaar ahaan kuwa kumaandooska Soomaaliya ayaa marar badan sheegay in ay gubeen sidoo kale qabteen gaadiid waxyaabaha qarxa Al Shabaab kasoo buuxiyeen kuwaa oo la doonayay in lagu fuliyo weeraro ismiidaamin ah.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -