Allbanaadir.com
NEWS

Dadka u dhimanaya iyo kuwa uu ku dhacayo Covid-19 gudaha Somalia oo sii kordhay

Wasaaradda Caafimaadka Xukuumada Soomaaliya ayaa ka warbixisay xaaladihii ugu dambeeyay cudurka Covid-19 oo kusii baahaya magaalada Muqdisho iyo qaar kamid ah maamul goboleedyada dalka.

Warbixintii ugu dambeesay oo maanta soo saartay Wasaarada Caafimaadka ayaa lagu sheegay  in 24-kii saac ee la soo dhaafay la diiwaan geliyay 244 xaalado cusub oo COVID-19,waxaana cudurkan u dhintay 18 qof  halka ay ka bogsadeen  61 ruux.

Dadka ugu badan ee cudurkan laga helay ayaa kunool deegaanada maamulka Puntland waxaana 24-kii saac ee lasoo dhaafay Puntland laga diiwaan galiyay 152 kiis halka gobolka Banaadir laga helay 29-qof , maamulka Somaliland ayaa laga helay 45-qof.

Guud ahaan Tirada xaaladaha COVID-19, ee dalka laga diiwaan geliyay ayaa gaartay 9,190, waxaa ka bogsootay  cudurkaasi  4, 230 Ruux.  halka ay u dhinteen dad gaaraya 367 ruux.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Maxkamad soo afjartay kiiska nin Soomaali ah oo saameeyey Baarlamanka Yurub

Caydiid Ali

Golle Deegaan oo aqoonsaday Somaliland iyo Muuse Biixi oo ka hadlay

Cabdi Cade

RW Khayre oo kulan xasaasi ah la qaatay Wakiilada Beesha caalamka (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---