Faahfaahino kasoo baxaya dil loo geestay Masuul katirsan maamulka Koonfur Galbeed

Kooxo biskoolado ku hubeesan ayaa saakay xaafada Xaawo-taako ee degmada Afgooye ku dilay masuul katirsanaa maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya, waxaana dilka kadib baxsaday kooxdii ka dambeesay.

Wararka aan helnay ayaa sheegaya in kooxaha hubeesan ay dileen kormeerihii wasaaradda waxbarashada Koonfur Galbeed u qaabilsanaa gobolka Shabeellaha Hoose Cali Shanlow Cali , waxaana dilka uu ka dhacay banaanka hore ee gurigiisa.

Masuulkan la dilay ayaa wararka aan helnay sheegayaan xilliga la dilayay in uu kusii jeeday iskuulo kuyaalla degmada Afgooye oo saakay ka bilowday imtixaanka shahaadiga ee dugsiga sare si uu kormeer ugu sameeyo sida imtixaanka ku bilowday.

Ciidamada ammaanka maamulka Koonfur Galbeed ayaa tagay goobta dilku ka dhacay, waxa ayna ciidamada ku guul dareesteen in ay soo qabtaan kooxdii hubeesneed ee ka dambeesay dilka masuulkan katirsanaa maamulka Koonfur Galbeed.

Wasaaradda waxbarashada maamulka Koonfur Galbeed ayaa si kulul u cambaareesay dilkan loo geestay kormeerahan wasaaradooda katirsanaa, waxa ayna laamaha ammaanka ugu baaqday in baaris ku sameeyaan dilkan soona qabtaan dadkii ka dambeeyay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -