Allbanaadir.com
NEWS

Koox bilowday in ay ka shaqeeyaan bilicda iyo nadaafada Qabuuraha Muslimiinta (Sawirr)

Islaamku wuxuu siiyaa xaqdhowr iyo dhegwanaag qofka bani aadamka ah kahor inta uusan ifka imaan iyo kaddib geeridiisa.

Marka uu qofka ka faaruqayo nolosha adduunyada, Eebbe SWT wuxuu jideeyey in si sharaf leh loogu xabaalo dhulka.

Koox Muslimiin ah ayaa, si kastaba, waxay isaga yimaadeen inay isu-taagaan nadaafadda iyo bilicda xabaalaha Derby ee UK.

Waxay howlo isugu jira xaaqid, iyo waraabinta ubaxyada ka qabtaan xabaalaha bishiiba mar.

“Ilaalinta bilicda xabaalaha, waxay nagu kaalmeynaysaa inaan aqoonsano muhiimadda ay leedahay dadka dhintay,” ayuu yiri Abid Taj oo kamid ah samafalayaasha.

Xubnaha ku midaysan kooxdan waa wada dhalinyaro.

“Waxaynu isku dayaynaa inaan da’yarta ku baraarujino muhiimadda ay leedahay in bulshada wax muuqda loo qabto,” ayuu yiri

“Samafalayaashu waa kuwo cajiib ah. Waxay ku negaadaan xabaasha maalinta oo dhan si ay u hubsadaan inay hesho bilic iyo ilqabad.”

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Muuse Biixi oo xadhiga ka jaray 130 dhisme oo lagu kordhiyey goobo Waxbarasho (Sawirro)

Cabdi Cade

Haweeney Dhibaato gaarsiisay Xildhibaanad katirsan golaha shacabka oo la xiray (Daawo Sawirro)

Cabdi Cade

Habka Electroniga ee Maareynta Dacwadaha Xafiiska Xeer-ilaaliyaha oo la daahfuray (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---