Khilaaf ka taagan goobta lagu qabanayo Shirka DF iyo dowlad goboleedyada ee Muqdisho ka dhacaya

Magaalada Muqdisho waxaa ku sugan inta badan Madaxda dowlad goboleedyada dalka, kuwaa oo u yimid sidii ay uga qeyb gali lahaayeen shir looga hadlayo khilaafka ka taagan arimaha doorashada .

Shirkan waxaa horey u iclaamiyay Madaxweynaha waqtigiisa dhamaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, waxaana shirkan garwadeyn ka ah oo hada gadaal ka riixaya wakiilada beesha caalamka.

Madaxda maamulada Puntland iyo Jubbaland ayaa horay ugu xiray ka qeyb galka shirka shuruudo badan ay kamid yihiin in lagu qabto gudaha garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde gaar ahaan teendhadii Farmaajo lagu doortay ee dhinaca Afisiyooni kutaala.

Sida aan wararka ku helnay madaxda dowlada Federaalka ayaana ku qanacsaneyn in shirka lagu qabto meel ka baxsan Madaxtooyada, hasa ahaatee beesha caalamka ayaa ku cadaadinaysa Madaxweyne Farmaajo in uu aqbalo in garoonka shirka ka dhaco.

Madaxda maamulada taageersan dowlada sida Galmudug, Koonfur Galbeed iyo Hirshabelle ayaa wararka sheegayaan in ay codsadeen in shirka lagu qabto gudaha Madaxtooyada, waxa ayna ka biyo diidan yihiin in shirkaasi ka dhaco teendhada Afisiyooni.

Waxaa socda dadaalo lagu doonayo in xal looga gaaro khilaafka hada ka taagan goobta rasamiga ah ee lagu qabanayo shirkan looga hadlayo xal ka gaarida khilaafka ka taagan arimaha doorashada ee mar kale yeelanayaan Madaxda DF iyo kuwa dowlad goboleedyada.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -