Ciidamo katirsan Milatariga oo maanta Tababar loo soo xiray Xerada Turkiga (Daawo Sawirro)

Ciidamo katirsan Milatariga dowlada Soomaaliya ayaa maanta tababar mudo sadex bilood ah socday waxaa loogu soo xiray Xerada milatari ee Dowlada Turkiga ka furtay magaalada Muqdisho.

Munaasabada tababarka lagu soo xirayay waxaa ka qeyb galay Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka S/gaas C/wali xuseen Jaamac (Gorod) ,Safiirka Dowlada Turkiga u jooga Soomaaliya, wakiilka qaramada Midoobay ee Soomaaliya iyo Saraakiil kale.

Taliyaha ciidanka Milatariga Soomaaliya sheegay in ciidamadaan maanta uu u dhammaaday tababarka ay u tababaran yihiin dhanka dhulka, isla markaasine ay dowladda Turkiga u dhameestirtay qalabka ay ku howlgali lahayeen.

Waxa uu ugu baaqay Taliyaha ciidanka Wadamada Soomaaliya taageera in ay gacan ka siiyaan tababarada iyo qalabeynta ciidanka xooga Soomaaliya si ay ugu guuleestaan dagaalka ay kula jiraan Al Shabaab.

Xerada Milatari ee dowlada Turkiga ka furtay magaalada Muqdisho ayaa lagu tababaraa ciidanka Milatariga Soomaaliya, waxaana horey tababar loogu soo xiray cutubyo katirsan ciidanka Xooga Soomaaliya.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -