Mid kamid ah Maamul goboleedyada dalka oo la geenayo Talaal Covid-19

Soomaaliya ayaa la filayaa in dhawaan lasoo gaarsiiyo talaalka cudurka Covid-19 ,waxaana  talaalkaasi loogu tala galay Soomaaliya dhawaan lasoo gaarsiiyay magaalada Nairobi ee caasimada dalka Kenya.

Maamul goboleedka Puntland ayaa la sheegay in uu noqon doono halka ugu horeyso ee la geenayo talaalka Covid-19, waxaana la filayaa in todobaadka soo socda Puntland la geeyo talaalkaasi oo wax ka taraya xakameynta Covid-19.

Agaasimaha guud ee Wasaaradda Caafimaadka Puntland Cabdirisaaq Xirsi Xasan ayaa sheegay in isbuuca dambe Garawe lasoo gaarsiinayo  tallaalka Cudurka COVID-19 oo loogu tala-galay in la siiyo in ka badan 300,000 oo qof.

Talaalkan Soomaaliya la keenayo ayaa loo qoondeeyay maamul goboleedyada dalka ka jira, waxaana inta badan talaalka la siin doonaa Madaxda , shaqaalaha dowlada iyo maamul goboleedyada iyo dadka kale ee u nugul in dhibaato gaarsiiyo cudurka Covid-19.

 

- Advertisement -