Allbanaadir.com
NEWS

Wasiiro hortagay Golaha aqalka Sare ee Soomaaliya? (Sawirro)

Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi oo ay wehelliyaan Guddoomiye ku xigeenka koowaad Mudane Cali Shacbaan Ibraahim iyo Guddoomiye ku xigeenka labaad Mudane Cabdullaahi cali Xersi Timacade, ayaa maanta shir guddoomiyay kalfadhiga lixaad kulankiisa koowaad ee Golaha Aqalka Sare.

Ajandaha kulanka maanta oo ka koobnaa labo sharci ayaa kala ahaa.

1- Akhrinta koowaad ee hindise sharciyeedka Kaalmo sharciyeedka Federaalka

2- Akhrinta koowaad ee hindise sharciyeed dhisidda Hay’adda Maalgashiga Soomaaliyeed.

Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka XFS Mudane Xasan Macallin Maxamuud iyo Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha XFS Mudane Axmednur Sheekh Maxamed ayaa Sanatarrada Aqalka Sare u faahfaahiyay sharciyada Kaalmo sharciyeedka Federaalka iyo sharciga dhisidda Hay’adda Maalgashiga Soomaaliyeed oo ay maanta golaha ka hor akhriyeen.

Guddoomiyaha Aqalka Sare Mudane CabdiXaashi Cabdillaahi ayaa  gunaanadkii kulanka sheegay in Guddiyada ku shaqada leh lagu eareejin doonno labada Hindise Sharciyeedyada maanta la akhriyay.

Related posts

Iska horimaad goor dhow ka dhacay qeybo ka mid ah Magaalada Dhuusamareeb

Caydiid Ali

Ciidamada Itoobiya oo Magaalooyin istaraatiiji ah kala wareegay kooxda TPLF

Caydiid Ali

Marwo Saynab Cabdi Macalin oo kulamo la qaadatay Masuuliyiin ka tirsan Turkiga (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---