Allbanaadir.com
NEWS

Shirkadda Visa oo raaligalin u dirtay qaar kamid ah Macaamiisheeda

Dad badan ayaa ku dhibtooday kadib markii uu u shaqeyn waayay kaarka Shirkada Visa ay adeegsadaan, waxaana dad badan danta ku qasabtay in ay isaga tagaan alaabo ay doonayeen in ay iibsadaan.

Shirkada Visa ayaa fariin raali galin ah u dirtay macaamiisheeda ku dhaqan qaarada Yurub, waxa ayna shirkada ka raali galisay macaamiisheeda cilad ku timid kaararkeeda wax lagu iibsado.

Qoraal kasoo baxay maamulka Shirkada Visa ee kaararkeeda wax lagu iibsado ayey ku sheegtay cilada kooban ee ku timid in aysan keeni doonin in lacagaha la xado ama dadka laga shubto.

Dukaaman iyo xarumo badan oo kuyaala Yurub ayaa saxmad badan laga dareemay kadib markii dad doonayay in ay wax iibsadaan u shaqeyn waayay Kaarka Visa ay doonayeen in ay wax ku iibsadaan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Sii hayaha Madaxweynaha K/Galbeed oo goor dhow shir jaraa’id ku qabtay Baydhabo

Caydiid Ali

Madaxii biyo xireenka Abay oo isaga oo mayd ah la helay (Daawo Sawirro)

Cabdi Cade

Kufsi iyo dil argagax leh oo ka dhacay Muqdisho iyo Booliiska oo qabtay nin la tuhmayo

Cabdi Cade
Taboola Ads ---