Sii hayaha Madaxweynaha K/Galbeed oo goor dhow shir jaraa’id ku qabtay Baydhabo

Sii hayaha Madaxweynaha dowlad goboleedka K/Galbeed C/qaadir Shariif Sheekhunaa ahna Gudoomiyaha Baarlamaanka maamulkaas oo goor dhow warbaahinta kula hadlay Magaalada Baydhabo ayaa ku baaqay in la joojiyo rabshadaha halkaas ka socda maalintii labaad.

C/qaadir Sheekhuna ayaa shacabka Magaalada Baydhabo ka wada banaanbaxyada rabshadaha wata ka dalbaday iney xasiloonida ilaaliyaan, wuxuu xusay in dadku ay u xor u yihiin iney si nabad ah cabashadooda u soo bandhigaan balse aan dul-qaad doonin in rabshado iyo boob lagu dhaqaaqo.

Dadka banaanbaxyada rabshadaha wata sameynaya ayuu sheegay iney yihiin kuwo yar oo ka soo horjeedo amaanka, wuxuuna xusay in ciidamada boolisku uu amar ku siiyey iney soo celiyaan amaanka, talaabo adagna ka qaadaan kooxaha amni darada wada.

“Waxaan  ka codsanayaa iney nabada ka shaqeeyaan, ciidamada amaankana gacan ku siiyaan kooxaha tirada yar ee amni darada iyo jidgooyada wada” ayuu yiri Sii hayaha Madaxweynaha dowlad goboleedka K/Galbeed.

Xildhibaan ka tirsan baarlamanka Koonfur galbeed ayaa ku dhintay saaka banaanbaxyo rabshado wata oo maalintii labaad ka socda Baydhabo kuwaasoo looga soo horjeedo xariga Mukhtaar Roobow oo ka mid ahaa musharaxiinta doorashada hogaanka Koonfur galbeed.

Ku dhowaad 10 ruux oo isugu jira askar iyo shacab ayaa ku dhintay dibedbaxyada shalay iyo maanta ka socda Baydhabo oo dariiqyada magaaladaas u bedelay goob dagaal.

Siyaasiyiinta iyo xildhibaanada ka soo jeeda koonfur galbeed ayaa cambaareeyey Mukhtaar Roobow iyagoo dhinaca kale ka dalbaday shacabka Baydhabo iney rabashadaha joojiyaan xasiloonidana ilaaliyaan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -