Tirada dadka Somalia ugu dhimanaya cudurka COVID-19 oo sii kordhaysa

Wasaaradda Caafimaadka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa warbixinta maalinlaha ah ee xogta Feyruska Karoona ku sheegtay in la diiwaan geliyay 126 xaalado cusub oo COVID-19 ah 24-kii saac ee la soo dhaafay, 11 qof ayaana u geeriyootay.

Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Marwo Fowziya Abiikar Nuur ayaa caddeysay in xaaladaha cusub laga diiwaan geliyay Somaliland (65) gobalka Banaadir (47), Hirshabeelle (8), Jubbaland (4) iyo Hirshabeelle (4) qof, 82 ka mid ah bukaannada la xaqiijiyay waa rag, halka 44-na ay yihiin haween.

Tirada xaaladaha COVID-19 ee dalka laga diiwaan geliyay ayaa gaartay 8,946 waxaa bogsootay 4,108 Ruux. guud ahaan 349 ruux oo kale ayaa u geeriyootay.

Marwo Fowziya Abiikar Nuur ayaa bulshada ka codsatay inay qaataan talooyinka caafimaad ee laga helayo khuburada caafimaadka ku takhasusay iyo wacyi gelinta kale ee bulshada lagu ogeysiinayo khatarta cudurkaan uu dadka ku keeni karo, maadaama uu markale soo labo kacleeyay halista cudurka COVID-19.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -