Abiy Ahmed oo ka jawaabay eedeymo culus oo kaga yimid Maraykanka

Dowlada Itoobiya ayaa diiday eedeymaha Mareykanka ee ah in isir sifeyn laga gaystay gobolka Tigray.

Hadalka Itoobiya ayaa jawaab u ah dhaleeceyntii ugu dambeysay ee ka dhan ah howlgalladeeda milatari ee gobolka waqooyiga ee Tigray taasoo uga timid maamulka cusub ee Washington.

Xoghayaha Arrimaha Dibadda Mareykanka Antony Blinken ayaa sheegay Arbacadii in uu doonayo in ciidamada Eretria iyo kuwa ka soo jeeda gobolka Amxaarada lagu bedelo ciidamada ammaanka oo ilaalin doona xuquuqda aadanaha oo aan sameyn doonin ficillo isir sifayn ah.”

“Eedaynta ayaa ah gabi ahaanba xukun aan sal iyo raad toona lahayn oo ka dhan ah dowladda Itoobiya,” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay wasaaradda arrimaha dibadda ee Ethiopia.

Maraykanka iyo Itoobiya ayaa ku soo kala fogaanaya xaaladaha ka taagan gobolka Tigray oo dhowaan ciidamada dalkaas ay ka fuliyeen howlgal balaaran oo meesha looga saaray hogaankii gobolkaas oo ka hor yimid dowlada dhexe.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

 

- Advertisement -