Maqaayadaha Muqdisho oo maalmahan Suuq fiican helay & Sababta ka dambeysa

Gabi ahaan Magaalada Muqdisho ayaa waxaan ka soo dagin maalmihii la soo dhaafay dayuuradihii Qaadka ka keeni jiray dalka Kenya ka dib markii dowlada federaalku soo rogtay amar dalka looga joojinayo duulimaadyada caalamiga ah muddo 15 cisho ah, si looga hortago cudurka Coronavirus ee caalamka sida xoogan ugu faafaya.

Masuuliyiinta shirkadaha dayuuradaha rakaabka ah iyo kuwa qaadka keena ayaa sheegay in maalmo ka hor lagu wargeliyey go’aanka dowlada, iyagoo sheegay iney u hogaansamayaan.

Suuqyada Qaadka lagu iibiyo ayaa maalmahan haawanaya, iyadoo ay soo dhoobtaan dhalinyaro iyo odayaal fara badan oo koox koox u taagan kuwaasoo isweydiinaya in magaalada uu qaad soo galay iyo in kale, iyagoo rajo ka qabay inuu Qaad soo degi doono maadaama DF ay labo cisho si KMG ah u fasaxday Duulimaadyada sababo gaar ah awgood, inkastoo dowladu sheegtay in labada cisho aan wax xamuul ah dalka la soo gelin doonin.

Qaarkood waxay isku qancinayaan warar suuqa la isla dhexmarayo oo sheegaya inuu magaalada ku soo dhow yahay qaad gaadiid lagu soo safriyey oo dhulka la soo mariyey.

Muqayiliinta Muqdisho qaarkood oo aan la kulanay ayaa sheegay inuu madaxu xanuunayo ayna dareemayaan marqaan la’aan.

Dhinaca kale, maqaayada Muqdisho ayaa maalmahan xili hore laga dhameystaa cuntada ka dib markii dadkii qayili jiray ay bilaabeen iney lacagtii ay qaadka ku iibsan lahaayeen ku cunaan raashiin fara badan.

Milkiilayaasha maqaayadaha ayaa sheegay in maalmahan uu suuqu shidan yahay, ayna macaash fiican ka helaan ganacsigooda, iyagoo sheegay iney jeclaan lahaayeen in qaadka guud ahaan la mamnuuco si dadku ay lacagtooda bedelkii qaadka cunto ugu iibsadaan.

Qaadka oo lagu tilmaamo inuu ka mid yahay noocyada maan-dooriyeyaasha ayaa isticmaala kumanaan Soomaali ah, waxaana maalin walba magaalada Muqdisho iyo gobolada dalka qaarkood iman jiray dayuurado fara badan oo qaad ka keena dalka Kenya.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -