Allbanaadir.com
NEWS

Dowladaha Sooamaliya iyo Talyaaniga oo gaaray Heshiis Deyn cafin ah (Sawirro)

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa Dowladda Talyaaniga ayaa kala saxiixatay heshiis Deyn cafin ah oo daba socda go’aankii wadamada Paris Club ee Soomaaliya looga cafiyay 1.4 Bilyan Sanadkii tagay 2020-kii.

Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Xukuumada Soomaaliya Dr. Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa heshiiskan la saxiixday safiirka Dowladda Talyaaniga u jogga Soomaaliya Mudane Alberto Vecchi.

Wasiir Beyle ayaa u mahad celiyay safiirka iyo guud ahaan Dowladda Talyaaniga sida hagar la’aanta ah ay u garab taagan yihiin Shacabka Soomaaliyeed ayna kaalinta muuqata uga qaadanayaan sidii Soomaaliya deynta looga cafin lahaa.

Wadamo badan oo Caalamka kuyaala ayaa Soomaaliya ka cafiyay lacago badan oo deyman ah oo lagu lahaa, waxaana cafinta deynta Soomaaliya lagu leeyahay u sahleysaa in Soomaaliya qaadato lacago cusub oo deyn ah.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Madaxweyne Farmaajo oo Shaaciyay in Soomaaliya xiligan leedahay Labo Cadaw

Cabdi Cade

Cabsi hor leh oo lasoo daristay Shacabka Muqdisho iyo laamaha amniga oo …

Cabdi Cade

Taliye Xijaar oo ka carrooday Warkiisa oo laga baahin waayay Tv-ga Qaranka tallaabana qaaday

Cabdi Cade
Taboola Ads ---