Allbanaadir.com
NEWS

Cabsi hor leh oo lasoo daristay Shacabka Muqdisho iyo laamaha amniga oo …

Xaalada ammaan ee magaalada Muqdisho ayaa u muuqata maalmahan in ay sii xumaaneyso, waxaana magaalada saacadihii lasoo dhaafay ka dhacay dilal qorsheysan ay fuliyeen xubno katirsan kooxda Al Shabaab iyo sidoo kale qaraxyo.

Maleeshiyaadka Al Shabaab ayaa kordhiyay dilalka iyo beegsiga ay ku hayaan dadka shacabka ah ee fuliyay amarkii dowladda ee ahaa in ay xirtaan kaamirooyinka CCTV, waxa ayna Al Shabaab u dileen dhowr qof oo shacab ahaa sababo la xariira kaliya in ay xirteen kaamirada CCTV.

Dareen cabsi hor leh ayaa lasoo daristay shacabka magaalada Muqdisho iyo duleedkeeda, gaar ahaan kuwa ganacsatada ah ee u xiran yihiin kaamirooyinka CCTV, kuwaa oo ka cabsi qaba in saacad kasta lasoo weerari karo lana dili karo.

Ganacsatada qaarkood ayaana bilaabay in ay iska xiraan goobahooda ganacsi si ay noloshooda u badbaadiyaan, halka kuwa kalana ay shaqeestaan iyaga oo feejignaan dheeri ah ku jira iskana ilaalinaya weeraro gaadmo ah ay Al Shabaab kala kulmi karaan.

Laamaha amniga ee Muqdisho ayaa u muuqda kuwa ku fashilmay ilaalinta badqabka shacabka gaar ahaan ganacsatada, waxa ayna ciidamada kaliya ka howlgalaan goobo cayiman, halka ganacsatada iyo dadka kale ee amarka dowladda fuliyay ku firirsan yihiin magaalada iyo daafaheeda.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Xamaas oo sii deysay 3 la heystayaal reer Israel ah (Sawirro)

Caydiid Ali

Shan nin oo ku eedeysan kiis dil ah oo xukun maanta lagu riday

Cabdi Cade

Abiy Ahmed oo si kulul uga jawaabay hadal ka soo yeeray Madaxweyne Trump

Caydiid Ali
Taboola Ads ---