Allbanaadir.com
NEWS

Farmaajo iyo Rooble oo ka hadlay Geerida Janaraal Axmed Jaamac Muuse

Madaxweynaha waqtigiisa dhamaadau ee dowlada Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ka tacsiyeeyay geerida Taliyihii hore ee Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed Janaraal Axmed Jaamac Muuse oo ku geeriyooday Muqdisho.

Farmaajo ayaa sheegay in Janaraal Axmed Jaamac uu ahaa halyey Soomaaliyeed oo wax badan dalka usoo qabtay, waxa uuna Alle uga baryay inuu naxariistii Janno ka waraabiyo, qoyska iyo qaranka Soomaaliyeedna sabar iyo iimaan haka siiyo.

Dhinaca kale Ra’isul Wasaaraha Xukuumada xil gaarsiinta Maxamed Xuseen Rpooble ayaa isna ka tacsiyadeeyay geerida ku timid Janaraal Axmed Jaamac, waxa uuna sheegay in Janaraal xasuusnaan doonaan waxqabadkiisa dalkana ugu soo adeegay si hagar la’aan ah.

Janaraal Axmed Jaamac Muuse, oo kamid ahaa saraakiisha ciidanka Soomaaliyeed ayaa horey usoo noqday taliyaha ciidanka booliiska, waxaana sargaalkan  uu ku geeriyooday magaalada Muqdisho uu ku xanuunsanaa.

 

Related posts

Dowlada Soomaaliya oo War kasoo saartay xaalada ka taagan magaalada Baydhabo

Cabdi Cade

Dil caawa ka dhacay magaalada Muqdisho iyo Faah faahino kasoo baxaya

Cabdi Cade

Jubbaland oo soo saartay Amar ku socda Hay’adaha iyo Hoteelada Kuyaalla Deegaanadeeda

Cabdi Cade
Taboola Ads ---