Allbanaadir.com
NEWS

Ra’isul Wasaare Rooble oo la kulmay Musharaxiin Madaxweyne (Daawo Sawirada)

Ra’isul Wasaaraha Xukuumada xil gaarsiinta Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa xafiiskiisa ku qaabilay qaar kamid ah musharaxiinta u taagan xilka Madaxweynaha Soomaaliya.

Rooble iyo musharaxiintan oo ah kuwa qunyar socod ah oon saameyn badan laheyn ayaa kawada hadlay khilaafka ka taagan doorashada Soomaaliya iyo sidii xal looga gaari lahaa khilaafka loona qaban lahaa doorashado wadar ogol ah.

Ra’isul Wasaare Rooble ayaa musharaxiintan uu la kulmay u sheegay in xukuumadiisa ka shaqeeneyso sidii dalka uga dhici laheyd doorasho raali laga wada yahay, waxa uuna meesha ka saaray shakiga laga muujiyay guddiga farsamada ee doorashada hagaya.

Musharaxiintan qunyar socodka ah ayaa dhankooda ku taageeray Rooble dadaalada uu wado, waxa ayna sheegeen in ay diyaar u yihiin ka qeyb galka doorasho ku dhacda si daah furnaan ah raalina laga wada yahay.

Kulankan ayaa kusoo aadaya xili uu dhawaan fashilmay kulamo u socday Rooble iyo Musharaxiinta mucaaradka uu hogaamiyo Sheekh Shariif, waxaana fashilka kulamadaasi sabab looga dhigay in Rooble uusan go’aan gaari karin daaha gadaashiisana wax looga yeerinayo.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Maxay kawada hadleen Wasiir Cawad & Dhiggiisa Monica Juma? (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali

Ciidanka dowladda oo lagu amray in shacabka ka saaraan xaafada Xero Kalluun

Cabdi Cade

Maxkamadda Sare ee dalka Maraykanka oo ku gacan seyrtay dacwad ka timid Trump

Caydiid Ali
Taboola Ads ---