Allbanaadir.com
JUBALANDNEWS

Axmed Madoobe oo Gudoomiyay Shir looga hadlay arin Muhiim ah (Daawo Sawirro)

Madaxweynaha Dowlada Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa hab maqal iyo muuqaal ah ku gudoomiyay shirkan oo diirada lagu saarayo Xaalada abaaraha ee ka jira deegaano badan oo katirsan Jubaland taas oo saamaysay nolosha dadka iyo xoolaha nool.
 
Shirka Waxaa Madaxweynaha kala qeyb galay gudi gaar ah oo loo Magacaabay gurmadka abaaraha iyo sidii gargaar deg deg ah loo gaarsiin lahaa dadka tabaalaysan oo ay hogaaminayso Wasaarada arimaha gudaha.
 
Sidoo kale waxaa hab maqal iyo muuqaal ah kaga qeyb galay masuuliyiin katirsan Xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya iyo Hay’adaha gargaarka ee Qaramada Midoobay deeq bixiyayaasha Caalamiga ah iyo ururada gargaarka ee ka howlgala gudaha dalka iyagoo sheegay in ay ka qeyb qaadanayaan dadaalka Dowlada Jubaland ay ugu jirto sidii loogu gurman lahaa dadka abaaraha ay saameeyeen oo ku nool deegaano kala duwan oo katirsan sadexda gobol ee Jubaland ay ka kooban tahay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Xafiiska Q/Midoobay ee Somalia oo War ka soo saaray xiisadaha ka taagan Muqdisho

Caydiid Ali

Wasiir ka tirsan Taliban oo lagu dilay Qarax ismiidaamin ah

Caydiid Ali

Madaxweyne Qoor Qoor oo Xaalku ku xun yahay iyo cabsi badan oo lasoo daristay

Cabdi Cade
Taboola Ads ---