Madaxweyne Qoor Qoor oo Xaalku ku xun yahay iyo cabsi badan oo lasoo daristay

Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye oo marar badan ku cel celiyay in uu yahay siyaasi dhax dhaxaad ah oo isku wadi kara Muxaafid iyo Mucaarad ayaa ugu dambeyn lasoo baxay wajigiisa runta ah iyo sida uu ula safan yahay Madaxweyne Farmaajo.

Qoor Qoor oo kulamo kala duwan la qaatay Madaxda maamul goboleedyada Puntland iyo Jubbaland iyo sidoo kale Midowga Musharaxiinta Madaxweynaha ayaa ku fashilmay in uu isku soo dhaweeyo iyaga iyo Madaxda Dowlada Federaalka.

Waxaana Madaxweynaha Galmudug markii uu cadaadis xoogan kala kulmay Madaxweyne Farmaajo oon ku qanacsaneyn dhax dhaxaadintii uu waday ugu dambeyn lasoo baxay wajigiisa runta ah ee ku aadan in uu si toos ah ula safto Madaxweyne Farmaajo.

Madaxweyne Qoor Qoor ayaana shir jaraa’id uu ku qabtay Villa Soomaaliya ku eedeeyay Madaxda maamulada Puntland iyo Jubbaland iyo sidoo kale Golaha Midowga Mushartaxiinta Madaxweynaha uu ku shabadeeyay in uusan wadahadalka dhankooda daacad ka aheyn.

Warar hoose aan helnay ayaa sheegaya in Madaxweyne Qoor Qoor hada lumiyay sumcad badan uu lahaa uuna xiligan wajahayo culeesyo siyaasadeed oo uga imaanaya dhinacyo badan gaar ahaan siyaasiyiinta kasoo jeeda deegaanada Galmudug.

Qaar kamid ah Musharaxiinta iyo siyaasiyiinta mucaaradka ee kasoo jeeda Galmudug ayaa si cad ugu sheegay Madaxweyne Qoor Qoor in ay kalsoonidii kala noqdeen una diyaar garoobo dagaal siyaasadeed oo dhankooda uga imaan doono maadaama uu ku balan furay.

Madaxweynaha Galmudug ayaa sidoo kale cabsi badan ka qaba in uu dib ugu laabto deegaanada Galmudug gaar ahaan magaalada Dhuusomareeb uu ka cabsi qabo in marka uu tago buuq siyaasadeed iyo kuwa kalaba lagu furo.

Qoor Qoor ayaa sidoo kale cadaadis kala kulmaya siyaasiyiin mucaarad ah oo qeyb ka ah golaha Wasiirada maamulkiisa kuwaa uu horey kula heshiiyay in uu dhax dhaxaadnimo iyo danaha Galmudug ku shaqeyn doono.

Golaha Midowga Musharaxiinta Madaxweynaha ayaana si cad uga soo horjeestay warkii kasoo yeeray Ra’isul Wasaare Rooble iyo Madaxweynaha Galmudug ee ku aadanaa in doorashada la galayo, waxa ayna ku hanjabeen in talaabooyin qaadi doonaan.

Madaxweyne Qoor Qoor oo mudo badan is qarinayay iskuna tilmaamayay siyaasi isku wadi kara muxaafid iyo mucaarad ayaa ugu damben cadeestay in uu la dhacsan yahay Siyaasada Madaxweyne Farmaajo iyo sidoo dalka uga dhici laheyd doorasho boob ah.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -