Xafiiska Q/Midoobay ee Somalia oo War ka soo saaray xiisadaha ka taagan Muqdisho

Xafiiska Q/Midoobay ee Somalia  ayaa goor dhow war ka soo saaray rabshadaha iyo iska horimaadyada xalay illaa saaka ka socda magaalada Muqdisho kuwaasoo dhexmaraya ciidamada DF iyo taageerayaasha Mucaaradka.

Qoraal kooban oo la soo dhigay barta UNSOM ku leedahay Twitterka ayaa walaac xoogan looga muujiyey xiisadaha ka taagan magaalada Muqdisho.

“Bahda Qaramada Midoobay ee Soomaaliya waxa ay aad uga walaacsan tahay iska horimaadyadii hubeysnaa ee Muqdisho ka dhacay xalay iyo saakay oo Jimco ah, waxa ayna ugu baaqeysaa deganaan iyo is xakameyn dhinacyada ay khuseyso, waxa ayna boorrineysaa inay furnaato waddada wadahadalka si loo yareeyo xiisadaha.Waxa ay muujinayaan isku dhacyada ka dhacay caasimadda sida loogu baahan yahay in degdeg loogu qabto kulan ay isugu yimaadaan Madaxda Dowlada Federaalka iyo kuwa Dowladaha xubnaha ka ah Dowlada Federaalka si ay heshiis siyaasadeed uga gaaraan hirgalinta qaabkii doorasho ee 17-kii Sebteembar”ayaa lagu yiri Qoraal kasoo baxay Beesha caalamka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -