Al Siisi oo Warqadaha Aqoonsiga Safiirnimo ka gudoomay Danjire Ilyaas Sheekh Cumar

Madaxweynaha dowladda Masar Mudane Cabdilfataax Al-Siisi ayaa warqadaha aqoonsiga safiirnimo ka guddoomay Safiirka Cusub oo ay dowladda federaalka Soomaaliya u magacawday dalka Masar.

Danjire Ilyaas Sheekh Cumar Abuubakar, ayaa lagu soo dhaweeyay xarunta Madaxtooyada dalka Masar, waxaana Warqadaha aqoosiga safiirnimo si rasmi ah uga gudoomay Madaxweyne Al Siisi.

Madaxweynaha Masar iyo safiirka Soomaaliya u jooga dalkaasi ayaana kawada hadlay xiriirka Soomaaliya iyo Masar iyo sidii mar kale boorka looga jafi lahaa xiriirka labada dal oo mudooyinkii dambe mad madow siyaasadeed soo galay.

Dowladaha Soomaaliya iyo Masar ayaa lahaa xiriir soo jireen ah, hasa ahaatee xiriirka labada dal ayaa sii xumaanayay tan iyo markii uu dalka taladiisa la wareegay Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -