Jen. Odowaa oo sheegay in howlgal qorsheysan lagu dilay xubno ka tirsan Al-Shabaab

Ciidamada Xoogga dalka ayaa howlgal qorsheysan ay ka fuliyeen degaanka Baloow ee gobolka shabeellada Hoose waxay ku dileen xubno ka tirsan Al-Shabaab.

Saraakiisha ciidanka ee hoggaaminayay howlgalka ayaa sheegay in 11 dagaalyahan oo ka tirsan Al-shabaab iyo sarkaakiil lagu dilay howlgalka, halka 9 kalana la dhaawacay.

Sidoo kale ciidanka ayaa waxaa ay bur-buriyeen saldhigyadii ay ku sugnaayeen Al-shabaab, sida uu sheegay Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed Jeneraal Odawaa Yuusuf Raage.

Taliyaha ayaa tilmaamay in howlgalka uu yimid kadib marlkii ay ka war heleen in Kooxda Al-shabaab ay isku uruursanayaan degaanka Baloow ee gobolka Shabeellaha hoose.

“Howlgalkan sidii loogu talo galay ayuu dhacay, argagaxisadana khasaare xooggan ayaa loogu geystay, waxayna haatan ciidanku ku daba jiraan firxadka kooxo kale oo halkaas ka cararay” ayuu yiri Jen Odowaa.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -