Guddoomiyaha G/Banaadir oo amar & digniin adag u diray shacabka Muqdisho

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Cumar Maxamed Maxamuud (Filish) ayaa shir jaraa’id uu qabtay waxa uu faray bulshada Caadimadda in ay u dhaga nuglaadaan fariimaha caafimaad iyo wacyigalinta uu wado maamulka gobolka Banaadir ee loogu hortagayo faafitaanka caabuqa COVID-19.

Duqa magaalada Muqdisho Mudane Cumar Filish ayaa sidoo kale tilmaamay in ay ciqaab la kulmi doonan cidii fulin weyso awaamiirta ay soo saartay wasaarada Caafimaadka ee la xariirta cudurka Coronavirus.

Waxaa uu xusay inuu dhaqan galayo gannaax la dul dhigi doono cid walba oo aan xiran Face Maska ama Afxirka goobaha la isku yimaado, si looga hortago faafida Covid-19, si gaar ah Guddoomiyuhu waxaa uu sheegay in amarkaas ka dhaqan gelin doonaan goobaha ganacsiga, gaadiidka dadweynaha iyo meelaha bulshada isugu timaado.

Cumar Filish ayaa ka mid ahaa Masuuliyiin iyo wasiiro ka tirsan DF oo saaka shir jaraaid ku qabtay Muqdisho kuwaasoo uga digayey bulshada iney ka foojignaadaan haliska cudurkan.

Cudurka COVID-19 oo dhowaan soo labo kacleeyey ayaa faro kulul ku haya qeybo ka mid ah dalka oo ay ku jirto caasimada Muqdisho, dad badan ayaana illaa hadda u dhintay, iyadoo qaar kalena ay la ildaran yihiin, welina bulshada inteeda badan kuma baraarugsana halista cudurkan, umana dhega nugla fariimaha ka hortaga cudurka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -