Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Cumar Filish & Wasiiro ka tirsan Xukuumadda oo ka wada hadlay arrin xasaasi ah (Sawirro)

Guddoomiyaha Gobalka Banaadir ahna duqa Magaalada Muqdisho Cumar Max’uud Maxamed (Cumar Filish) ayaa Aqalka Dowladda Hoose ee Xamar kulan kula qaatay xubno ka tirsan golaha wasiirada xukuumada Somalia.

Wasiirada ka qeyb galay kulankan waxaa ka mid ahaa Wasiirada Caafimaadka, Gargaarka, Warfaafinta iyo Wasiir ku-xigeenka diinta iyo Awqaafta

Kulanka ayaa waxaa looga hadlay dadaalada lagu dardargalinayo ka hortagga faafitaanka Xanuunka COVID-19 iyo sidii Xukuumada iyo maamulka gobolka iskaga kaashan lahaayeen wax ka qabashada cudurkan.

Waxaa sidoo kale ka qeyb galay kulanka agaasimaha Isbitaalka Martiini Dr. C/risaaq Yuusuf Jalaaludiin oo ka warbixiyey halka ay mareyso xaalada Isbitaalka oo ah kan kaliya ee magaalada Muqdisho lagu daweeyo dadka uu soo rito cudurka COVID-19.

Waxaa uu sheegay in inkastoo ay sare u sii kacayaan kiisaska cusub ee cudurka ay haddana ku guuleysteen iney hoos u dhigaan tirada dhimashada dadka uu soo ridanayo cudurkan, wuxuuna xusay in isbitaalku diyaar u yahay inuu si bilaash ah ugu adeego bulshada.

Related posts

Maxaa ka jira in Madaxweyne Farmaajo diiday inuu qaabilo qoyska Ikraan Tahliil?

Caydiid Ali

Sargaal katirsanaa Al Shabaab oo isku soo dhiibay ciidanka dowlada Soomaaliya

Cabdi Cade

Hooyo 8 Wiil ay dhashay dagaal ku weysay oo kamid noqotay Martida Xajka ee Sanadkan

Cabdi Cade
Taboola Ads ---