Shacabka Switzerland oo u codeeyey sharci ka dhan ah haweenka Muslimiinta

Shacabka Switzerland ayaa maanta codkooda ka dhiibtay afti loo qaaday in lagu mamnuuco indha shareerka in lagu xirto goobaha ay dadku isugu yimaaddaaan, taasoo saameyn u geysaneyso haweenka muslimka ah ee dalkaasi ku nool.

Soo jeedinta aftidan ayaa ka timid Xisbiga SPP oo ay siyaasadiisu midigta tahay, xisbigaasi oo in mudda ahba waday olole ka dhan ah indha shareerka oo boorar ay ka muuqdaan haween indhashareer madow xiran.

Waxayna boorarkooda ku soo qorayeen “Jooji islaamka xagjirka ah”, iyada oo dadka in indha shareerka la mamnuuco u ololeynaya ay aaminsan yihiin tallaabbadaasi iney u wanaagsanaan lahayd sinnaanta haweenka iyo nabadgalyada bulshada.

Dowladduna waxay ku doodeysaa dhar ay dumarka si gaar ah u xirtaan iney hadal haynta ugu badan ka nqoto dalka iney muhiimad badan lahayn.

Haweenka muslimiinta ee ku nool Swizerland oo tiradoodu gaareysi 400,000, ilaa 30 haween oo keli ah ayaa la rumeysan yahay iney indha shareerka qaataan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

 

- Advertisement -