Hooyo 8 Wiil ay dhashay dagaal ku weysay oo kamid noqotay Martida Xajka ee Sanadkan

Boqorka Sacuudiga Carabiya ayaa sanad kasta Xajka ku marti qaada kumanaan kun oo qof, kuwaa oo si gaar ah Boqortooyada u xulato uguna casuunto in ay kasoo qeyb galaan Acmaasha Xajka.

Dadka sanadkan Boqor Salmaan ku casuumay Xajka waxaa kamid ah hooyo u dhalatay dalka Yamen oo 8-wiil ay dhashay iyo xubno kale oo qoyskeeda kamid ah ku weysay dagaalka ka socda Yeman ee u dhaxeeya Xulufada Sacuudiga iyo Xuutiyiinta.

Alya Zainullah, oo  60 jir kuna nooleyd gobolka Ma’rib ee dalka Yeman ayaa dagaalka ka socda Dalkeeda ku weysay 8-wiil ay dhashay, waxa ayna taasi murugo galisay nolosheeda kadib markii garbaheeda ka baxeen wiilashii ay kaalmeeso laheyd.

Hooyadan ayaa sheegtay in ay aad u faraxday markii loo keenay warqadda casuumaadda ee ay uga mid noqoneyso xujeyda sanadkan, waxa ayna xustay in Xajka ay waligeed ku taami jirtay hayeeshee dhaqaale darro heysatay darteed aysan awoodin ka qeybgalkiisa.

Waxa ay sheegtay Alya in caruurteeda u balan qaadeen in ay geyn doonaan Xajka balse dhimashadooda ay kasoo hor martay kahor inta aysan riyadeeda u rumeyn, waxa ayna u mahad celisay Boqor Salmaan oo riyadeedii hada u rumeeyay.

Boqorka dalka Sacuudiga ayaa sanad kasta Xajka ku marti qaada kumanaan qof oo meelo kala duwan ka yimaada, waxaana dadkaasi loo diraa casuumad gaar ah iyadoona si gaar ah loo maamuuso.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -