Somalia: Imisa qof ayaa 24-kii saacadood ee u dambeeyey laga helay COVID-19?

Wasaaradda caafimaadka ee Soomaaliya ayaa shaacisay baaritaanki 24-kii saac ee ugu dambeeyey la sameeyey in 280 qof laga helay fayraska karoona.

Waxay wasaaradu sheegtay 280 qof ee fayraska laga helay iney kala yihiin Puntlnad 133 (natiijada baaritaanka hal toddobaad la sameeyey), Banaadir 96, Somaliland 27 Koonfur Galbeed 14 iyo Jubbaland oo 10 ah.

Tirada dhimashada 24-kii saac ee ugu dambeeyeyna waxay wasaaraddu sheegtay 8 qof (Banaadir 3, Puntland 2, Koonfur Galbeed 2 iyo Somaliland 1), halka bogsashaduna tahay 36.

Fowziya Abiikar Nuur Wasiirka Caafimaadka waxay ku celisay markale inay muhiim tahay qaadashada talooyinka caafimaad ee laga helayo khuburada caafimaadka ku takhasusay iyo wacyi gelinta kale ee bulshada lagu ogeysiinayo khatarta cudurkaan uu dadka ku keeni karo, maadaama uu markale soo labo kacleeyay halista cudurka COVID-19.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -