Dowlada oo shaacisay in la bur buriyay Xabsi qarsoodi ah ay lahaayeen Al Shabaab

Ciidamada milatariga  Soomaaliya ayaa howlgal qorsheesan ka fuliyay deegaan kuyaala duleedka Bariire ee gobolka Shabeelaha Hoose halkaas oo la sheegay in ay ku sugnaayeen xubno katirsan Al Shabaab.

Dhamme Axmed Xasan Siyaad oo katirsan saraakiisha ciidanka milatariga ayaa sheegay in howlgal qorsheesan ciidanka ka fuliyeen tuulada Nuunaay oo 15 km u jirta Bariire, waxa uuna xusay in howlgalkaasi lagu dilay saraakiil iyo dagaalyahano katirsan Al Shabaab.

Waxa uu sheegay sargaalkan intii uu howlgalka socday in ay bur buriyeen xabsi qarsoodi ah oo Al Shabaab ku lahaayeen deegaanka Nuunay, waxa uuna xusay taliyaha in ay soo furteen dad shacab ah uu sheegay in Al Shabaab afduub ahaan u heesteen.

Dhamme Axmed Xasan Siyaad ayaa sheegay intii howlgalka socday in ciidamada milatariga Soomaaliya dileen sadex sargaal oo katirsan Al Shabaab iyo sidoo kale dagaalyahano kale oo kooxdaasi katirsan.

Ciidamada milatariga Soomaaliya ee ku sugan gobolka Shabeelaha Hoose ayaa howlgalo qorsheesan mararka qaar ka fuliya deegaano iyo tuulooyin katirsan gobolkaasi ay maamulaan dagaalyahanada Al Shabaab.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -