Dr. Mutlaq Al-Qahtani oo todobaadkan ku soo wajahan magaalada Muqdisho

Ergay gaar ah oo ka socda dalka Qatar ayaa la filayaa inuu toddobaadka dambe booqasho ku yimaado Soomaaliya.

Ergaygan gaarka ah ayaa lagu magacaabaa Dr. Mutlaq bin Majed Al-Qahtani waxaana uu ku magacaaban yahay ergayga gaarka ah ee Wasaaradda Arrimaha Dibedda Qatar u qaabilsan La Dagaalanka Argagixisada iyo Dhexdhexaadinta Khilaafyada.

Ergaygan ayaa imanaya magaalada Muqdishu, mana cadda muddada uu joogi doono hase ahaatee Ilo lagu kalsoon yahay ayaa sheegay in ergaygan uu kasoo qayb qaatay dhexdhexaadintii Taliban iyo Maraykanka.

Diyaaradda Qatar Airways waxay ka mid tagay diyaaradaha tirada yar ee caalamiga ah ee tooska u yimaada Soomaaliya.

Dowladda Qatar waxaa la sheegay inay dhaqaale badan ku bixisay Doorashadii Farmaajo iyadoo u soo marsiiyey Fahad Yaasiin oo hadda ah agaasimaha NISA, waxaana sidoo kale lagu eedeeyay inay lacag toos ah oo madow ku taageerto Farmajo.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

 

- Advertisement -