Wararkii Ugu Dambeeyay Dagaalkii Dhuusomareeb ee lagu Jabiyay Ahlu Sunna

Dagaal xooggan oo u dhaxeeyay ciidamada dowladda federaalka iyo kuwa Galmudug oo wadajira iyo kooxda Ahlu Sunna ayaa maanta ka dhacay gudaha magaalada Dhuusomareeb iyo duleedkeeda.

Dagaalka ayaa dhaliyay khasaaro badan oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac soo kala gaaray labada dhinac iyo sidoo kale dad shacab ah oo ku sugnaa goobaha lagu dagaalamay.

Sida aan wararka ku helnay dagaalka ayaa lagu jabiyay kooxda Ahlu Sunna ee duullaanka soo qaaday, waxa ayna dagaalyahanada kooxdaasi ku fashilmeen in ay la wareegaan magaalada Dhuusomareeb ee caasimadda Galmudug.

Ciidamada dowladda iyo kuwa maamulka Galmudug ayaa si buuxda gacanta ugu haya goobihii maanta lagu dagaalamay, waxaana la sheegay in dagaalyahanada Ahlu Sunna in ay joogaan duleedka magaalada Dhuusomareeb.

Saraakiisha ciidamada dowladda iyo masuuliyiin katirsan maamulka Dhuusomareeb ayaa dagaalka guulo ka sheegtay, waxa ayna shaaciyeen in Ahlu Sunna ku jabiyeen dagaalka ayna ka furteen gaadiid dagaal iyo hub kala duwan.

Ciidamada dowladda ayaa sidoo kale kooxda Ahlu Sunna ka qabtay maxaabiis kala duwan oo isugu jira kuwa dhaawacyo qaba iyo kuwa badqaba, waxaana magaalada Dhuusomareeb caawa dhaq dhaqaaqyo kawada ciidamada dowladda iyo kuwa Galmudug.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -