Sacuudiga oo ka hortagay raxan dayuurado ah oo dalkiisa lagu soo weeraray

Isbaheysiga uu hogaamiyo Sacuudiga ee dagaalka ka wada Yemen ayaa Axadda maanta ah sheegay in ay burburiyeen sideed diyaaradood oo hubeysan oo ay soo gantay kooxda Xuutiyiinta ee taageerada ka hela Iran, waxaana ku jiray saddex lagu tuuray dhanka Saudi Arabia, sidaana waxaa baahiyay telefishanka dowladda.

Isbahaysigu ma uusan cayimin goobaha ku yaalla Sacuudiga ee la beegsaday. Sabtidii, isbahaysigu wuxuu sheegay in 24-kii saac gudahood uu Isbahaysigu ku qabtay ilaa toddobo diyaaradood oo beegsanayay Khamis Mushait iyo mid loo waday Jizan, labada magaaladaba waxa ay ku yaallaan koonfurta Sacuudi Carabiya.

Xuutiyiinta, oo dagaal kula jiray isbahaysiga tan iyo bishii March ee 2015-kii, xilligaasi oo ciidamada isbahaysigu soo farageliyeen dagaallada sokeeye ee Yemen, ayaa dhowaan kordhiyay weerarrada gantaalaha ah ee ku duqeeyaan xuduudda, iyo sidoo kale diyaaradaha aan duuliyaha lahayn oo ay ku weeraraan dhulka Sacuudiga.

Dagaalka ayaa sidoo kale ku sii xoogeystay gudaha Yemen, gaar ahaan gobolada Marib iyo Taiz.

Telefishannada ayaa soo xiganaya isbahaysiga oo ku macneeyay kororka weerarada Xuutiyiinta in ay sabab u tahay guulaha uu isbahaysigu ka soo hooyay gobolka Marib iyo sidoo kale waxa ay isbahaysigu ku tilmaameen “fasiraadda qaldan” ee kooxda Xuuthiyiinta ku fasiratay go’aankii maamulka cusub ee Mareykanka uu bishii February liiska ururrada argagixsada kaga saaray Xuutiyiinta.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -