Deni & Axmed Madoobe oo Muqdisho imanaya iyo shirkii wadatashiga oo furmaya

Madaxda Maamul goboleedyada Soomaaliya ayaa lagu wadaa iney 72ka saacadood ee soo socda soo gaaraan magaalada Muqdisho caasimada Somalia si loo sii ambaqaado wadahadalkii kala dhexeeyey DF sida laga soo xigtay ilo wareedyo ku dhow xukuumada Somalia.

Arrintan ayaa ka dambeysay dedaalo isdaba joog ah oo ay sameeyeen wakiilada beesha caalamka u jooga Somalia.

Shirka madaxda dowladda Federaalka Soomaaliya iyo  Dowlada Goboleedyada dalka ayaa la filayaa in lagu dhameystiro Heshiiskii 17-ka Sebtembar 2020 kaasoo qeexaya habraacyo muhiim u ah doorashooyinka dalka.

Wararka qaar ayaa sheegaya Maalinta berito ah uu Muqdisho soo gaarayo Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe, halka maalinta talaadada ahna uu imaan doono Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Dani, Waxaana lagu wadaa in shirkafurmo dhamaadka todobaadkan.

Shirka, ayaa lagu wadaa inuu ka dhaco xerada taliska cidamada AMISOM ee Xalane ama Hotel Decale oo ku yaalla garoonka aadan cadde, Waxaana jira doodo adag oo ka horeeya shirka sida ilo muhiim ah ay ii sheegeen.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -