Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Wararkii ugu dambeeyey dagaalkii caawa ka dhacay Magaalada Cadaado

Xaalada Magaalada Cadaado ee gobolka Galgaduud ayaa haatan degan ka dib markii caawa fiidkii uu ka dhacay dagaal muddo kooban socday oo halkaas ku dhexmaray ciidamo ka tirsan Nabad sugida Galmudug iyo maleeshiyo beeleed hubeysan.

Dagaalkan ayaa salka ku hayay nin ay ciidamada NISA ku qabteen Cadaado iyagoo ku eedeeyey inuu ka mid ahaa raggii weerarka ku qaaday shacab xilli habeen ah ku qaxweynayay degaanka Mareergur.

Ugu yaraan hal ruux oo shacab ah ayaa ku dhaawacmay dagaalka ka dib markii ay haleeshay rasaas habow ah sida ay wararku sheegayaan, lamana oga khasaaraha nafeed ee kala gaaray dhinacyada dagaalamay.

Maamulka Galmudug ee magaalada Cadaado iyo laamaha amaanka ayaan ka hadlin weli dagaalka caawa ka dhacay magaaladaas oo muddo kooban khal khal xoogan geliyey isku socodka dadka iyo gaadiidka inkastoo markii dambe xaaladu au degenaan ku soo laabatay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Nibiri la sheegay in uu Jaajuus ahaa oo meydkiisa laga helay dalka…

Cabdi Cade

Ku dhowaad boqol qof oo dhimasho iyo dhaawac ku noqday dibed-baxa Somaliland

Caydiid Ali

Dowlada Mareykanka oo Kenya ugu deeqday Diyaarado dagaal oo lagula dagaalamayo…

Cabdi Cade
Taboola Ads ---