Allbanaadir.com
NEWS

Qarax aad u xoogan oo goordhaw ka dhacay magaalada Muqdisho

Waxaa goordhaw qarax aad u xoogan oo loo maleenayo in uu yahay ismiidaamin uu ka dhacay agagaarka Dekadda Weyn ee magaalada Muqdisho gaar ahaan makhaayad lagu magacaabo Luul Yamani.

Qaraxa oo jugtiisa aad u cusleed ayaa laga maqlay inta badan magaalada Muqdisho iyo duleedkeeda, waxaana goobta uu qaraxu ka dhacay laga arkayaa uuro madow iyo holac uu sababay qaraxa.

Wali lama oga khasaaraha dhimasho iyo midka dhaawac uu sababay qaraxan goordhaw dhacay, waxaana goobta qaraxa ka dhacay gaaray ciidamada amaanka iyo gaadiidka gurmadka deg dega ee loo yaqaan ambalaasdta.

Qaraxan goordhaw ka dhacaya magaalada Muqdisho ayaa kusoo aadaya xili galabta magaalada Muqdisho wadooyinkeeda inta badan lasoo dhoobay ciidamo aad u badan oo la sheegay in ay sugayaan amaanka caasimada.

Waxii Warar ah ee kusoo kordha qaraxa kala soco Wararkayaga Dambe Insha Allah

Related posts

Maxkamad xukun adag ku riday rag Al Shabaab hub iyo gaari ula goostay (Sawirro)

Cabdi Cade

Jen. Townsend: “Caqabada ugu weyn ee haatan ka jirta Somalia waa muddo kororsiga”

Caydiid Ali

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Warqadaha Aqoonsiga Safiirnimo ka guddoomay Saddex Safiir (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---