Allbanaadir.com
NEWSPUNTLAND

Puntland oo ka xumaatay qoraalkii ka soo baxay Midowga Musharaxiinta Somalia

Puntland ayaa ka carootay War-saxaafadeed kasoo baxay Midowga Musharaxiinta ee lagu cambaareeyey dadkii maamulka Somaliland uu kasoo masaafuriyay Magaalada Laascaanood.

Wasiiru dowlaha Caddaaladda Puntland, Ilyaas Cabdi Dinix ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay in War-saxaafadeedka Musharaxiinta aan lagu xusin soo dhaweynta Puntland ay u sameysay dadkii ay Somaliland soo masaafurisay ee isugu jiray haween, Carruur, dhalinyaro iyo ad kale

“In Midowga Musharrixiintu xusi waayaan kana hadli waayaan wanaagga iyo masuuliyada Puntland iyo shacabkeedu ku qaabileen dadkii Somaliland ka soo raaftay gobolka Sool waa ayaan-daro, malaha qoladan waxaaba dhiba waxqabadka Puntland iyo iney tahay guri lagu soo dhaweeyo qofkasta oo Soomaali ah” ayuu yiri Wasiir Dinix.

War-saxaafadeed kasoo baxay Midowga Musharaxiinta ayaa lagu sheegay inay aad xun yihiin dadka laga soo masaafuriyey Somaliland, iyagoo falkaas ku tilmaamay mid xadgudub ah oo lagula kacay dad Soomaaliyeed, iyagoo ugu baaqay maamulka Somaliland ugu baaqay iney joojiyaan falalkaas.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Dayuuradaha Mareykanka oo duqeyn ka geystay degaan ka tirsan Galgaduud

Caydiid Ali

Jahwareer ka taagan qaar kamid ah garoomada Diyaaradaha ee Kenya (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade

Al Shabaab oo shaacisay cida ay la beegsadeen Qaraxii xalay ka dhacay Muqdisho

Cabdi Cade
Taboola Ads ---