Weerar caawa lagu soo qaaday meel ku dhaw xarunta Degmada Howl Wadaag

Ciidamo hubeesan oon wali heebtooda la garan ayaa caawa abaaro 12-kii habeenimo waxa ay weerar kusoo qaadeen Barxadii hore ee Suuqa Ceel Garweyne oo ku dhaw xarunta degmada Howl Wadaag.

Sida aan Wararka ku heleyno ciidamo hubeesan oo watay gaadiid ayaa weerar kusoo qaaday ciidamo ilaalo ka ahay barxada Ceel Garweyne oo laga iibiyay dad ganacsati ah dhawaana dhismo laga bilaabay.

Rasaas ayaa socotay ku dhawaad 10-daqiiqo sida ay noo xaqiijiyeen dadka deegaanka, waxaana markii dambe goobtaasi isaga tagay ciidankjii hubeesnaa oon wali la ogeyn waxa ay ahaayeen iyo cida ay ka amar qaataan.

Weerar kadib waxaa goobtaasi soo gaaray ciidamo hubeesan oo katirsan kuwa Xasilinta, waxaa sidoo kale goobtaasi soo gaaray masuuliyiin katirsan maamulka gobolka Banaadir sida aan wararka ku helnay.

Wali lama oga khasaaraha ka dhashay weerarkan caawa lagu soo qaaday barxada Suuqa Ceel Garweyne oon ka fogeyn xarunta degmada , waxaan sidoo kale laga war heyn waxa uu salka ku hayo weerarkan.

Barxada Ceel Garweyne iyo dhul kale oo ku dhaw oo ahaa dhul dan guud ah ayaa dad ganacsato ah laga iibiyay xiligii Dowlada Xasan Sheekh, waxaana dhawaan dhulkaasi lagu bilaabay dhismaha darbi lagu wareejinayo.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -